Wasiir Fiqi oo Ankara u tagay wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya

Jun 30 (Jowhar.com)-Wefti uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa gaadhey magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga halkaas uu ka furmayo shir lagu dhex dhexaadinayo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Labadan dal bilihii la soo dhaafay waxaa  ka dhex taagnaa khilaaf ka dhashay heshiiskii is afgarad ee sannadkan horraantiis dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Dawladda Turkiga oo labada dalba saaxiib dhow la ah isla markaana gogosha dhigtay ayaa dedaal ugu jirta sidii labada dhinac loo heshiisiin lahaa loona dhammayn lahaa khilaafka ka dhex taagan.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in aanay wax wada hadala la yeelan doonin Itoobiya tan iyo inta ay ka laabanayso heshiiskii is afgarad ee ay la gashay Somaliland.