Wasiir Fiqi oo qiray in diyaarado ka duula Puntland ay wax geeyaan Suudaan

0
46

Nov 06(Jowhar)-Dawladda Soomaaliya ayaa maantay qirtay in diyaaradda ka duulaa Magaalada Boosaaso ay wax geeyaan Chad , Niger iyo Galbeedka Suudaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo arintan ka hadlayey, isagoo la hadlayey mudanayaasha Aqalka Saree ee Soomaaliya ayaa sheegay in waxa ay geeyaan diyaaradahaasi anaay garan Karin isla markaasina ay u bahantahay in la xaqiijiyo.

Wasiirka ayaa sheegay in warbixinadu ay qorayaan in rag calooshood u shaqeeystayaal ah oo Colombia ah laga qaado halkaas laakinse aanay xaqiiqo u hayn “ Hadda kusii fogaan meeyno, ma sheegi karno” ayuu yiri Axmed Maclim Fiqi .

Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in maadama maamul goboleedyada qaarkood ay yiraahdeen meesheyda lamasoo geli karo in dadka halkaasi kasoo jeedo iyo senatarada ay waajib gaar ah saarantahay “ inagoo dad muslim ah in dad walaalaheena dhibaaato gaareeyso, in aan siyaasad ahaan u difaacno waxa aan ku dhaceynaa khalad ka weyn wixii aan difaaceynay” ayuu yiri Axmed Macalim Fiqi.