Tuesday, July 21, 2026
Home NEWS Wasiir Fiqi; ”Waxaan qaarijinay Hoggaamiyaha Sagaalaad ee Alshabaab”

Wasiir Fiqi; ”Waxaan qaarijinay Hoggaamiyaha Sagaalaad ee Alshabaab”

102

July 21 (Jowhar)- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in howlgal qorsheysan lagu diley mid ka mid ah aasaasayaashii kooxda Alshabaab.
Wasiir Fiqi ayaa ku tilmaamay in Maalin Jiinow Ibraahim uu ahaa hoggaamiyaha sagaalaad ee ugu sarreeya kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

“Maalin Jinow Ibrahim, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo xubin ka mid ah Golaha Shuurada ee kooxda, ayaa lagu dilay hawlgal qorsheysan oo sax ah oo ay fuliyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 5-tii Luulyo 2026-kii, waxaana lagu dilay tuulada Sabyo ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah inta u dhaxaysa Afgooye iyo Basra.”ayuu yiri Wasiir Fiqi oo ka hadlayay warbaahinta qaranka.

Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, Macallin Jinoow wuxuu ahaa shakhsi sare oo ka tirsan garabka dagaalka ee kooxda, wuxuuna la-taliye dhow u ahaa hoggaamiyaha guud ee Al-Shabaab, Axmed Diiriye (oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Cubeydah ama Axmed Cumar).

Sarkaalkan ka tirsanaa kooxda Alshabaab ayaa sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya inuu sidoo kale door muhiim ah ka qaatay hub-ka-dhigista beelaha deegaanka iyo qorista hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka ee gobollada Bay iyo Bakool si ay ugu biiraan kooxda argagixisada ah, xilligaas oo ku beegnayd sanadkii 2010-kii.