Wasiir Haruuse;“Dawladdeennu waxay caalamka kula dhaqantaa siyaasad xasiloon”

Sep 17 (Jowhar.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Huruuse ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ururka G77+China ee ka dhacay magaalada Havana ee dalka Cuba ka sheegay in dowlada Soomaaliya ay caalamka kula dhaqanto siyaasad xasiloon.

Abshir Haruuse Wasiirka Arrimaha Dibbada ayaa ka sheegay kulankan in xukuumada Soomaaliya ay qadariso shacabka caalamka.
“Dawladdeennu waxay marwalba mudnaanta kowaad siisaa in ay bulshada caalamka kula dhaqanto siyaasad xasiloon oo ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is qaddarin” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Abshir Huruuse oo shirkan Soomaaliya ku matalayay ayaa yiri “Ujeeddada shirarkan ayaa ahaa adkaynta iskaashiga iyo xiriirka waddamada aan saaxiibada dhow nahay iyo kuwa aynu xubnaha ka wada nahay ururrada caalamiga ah ee aynu had iyo goor iska kaashanno qaddiyadaha caalamiga ah”

Shirkan oo dhacay lixdan sano kadib markii ururka G77 la aasaasay,iyadoo wadamada ku bahoobayna ay haatan gaarayaan 134 dal oo ay ku nool yihiin 80% dadka adduunku. Shirkan ayaa ku saabsanaa kaalinta sayniska, hal-abuurka iyo Tiknoolajiyaddu ku leeyihiin horumarka iyo kobaca dhaqaalaha adduunka.

Wasiirka ayaa khudbadiisa shirka kaga hadlay horumarka baaxadda leh ee dalkeennu ka gaaray xagga Isgaarsiinta, lacagaha danabaysan iyo adeegyada bangiyada ee telefoonka laga isticmaalo oo dalkeennu ka mid yahay kuwa ugu hormarsan dunida.
Waxa uu wasiirka kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda wufuudda shirka kasoo qayb gashay iyo kuwa dawladda martida loo yahay ee Cuba.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More