Wasiir Roobow oo la kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti

0
59

Nov 24(Jowhar)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu-mansuur ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Jqbuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Wasaaradda oo kulanka uu ku wheliieyey dhiggiisa Dalka Djibouti  Muumiin Xasan Barre ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti ee aan walaalaha nahay uga mahadceliyey dadaalada iyo garab istaaga joogtada ah ee uu mar kasta u muujiyo Soomaaliya, wuxuuna  ku  suntahay badbaadiyaha Soomaaliya, kadib qaran jabkii ku dhacay Soomaaliya 1991,  gaar ahaan shirkii nabada ee Carte ee uu qabatey sanadkii 2000, kaasoo ee dib loogu yegleeley Jamhuuriyadda 3aad ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil cumar Geelle iyo dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha islaamka iyo Awqaafta  soo dhoweynta diiran ee ay walaaltinimadu ku dheehan tahay  ee lagu soo dhoweeyey asaga iyo wefdiigiisa, wuxuuna xusey in waxyaabihii ay ka faaideysteen Wasaaradda Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta ee jamhuuriyadda Djibouti ay ka hirgelin doonaan Soomaaliaya, sida dhisidda Awqaafta, Diiwaanka Sekada iyo Machadka Dhexdhexaadnimada iyo ee fidinta dhaqanka nabada  ee Dalka DJibouti.