Wasiir Roobow oo magacaabay guddiga tartanka Adeega Xajka iyo kuxigeenkiisa oo diidan
Mar. 07 (Jowhar.com)-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow iyo ku Xigeenkiisa ayaa isku Khilaafay Guddi uu Magacaabay Wasiir Robow.
Waxaana ku xigeenkiisu uu sheegay in dhammaan Guddigaasi ay yihiin kuwo lagu soo xulay hanaan aan sharci eheyn.
Guddiga uu magacaabay wasiir Roobow oo ka kooban 9 xubnood ayaa loo xilsaaray tartanka adeega Xajka, waxaana gudigaasi Xoghaye uu wasiirka uga dhigay wiil ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Ibraahim Roobow Cali.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa guddiga Wasiirka wasaaraddu magacaabay kusifeeyey kuwa aan lagu keenin latashi, balse lagu soo xulay “Eex, Nin jeclaysi & Kooxaysi Diimeeed”
Si kastaba, Markii koowaad, maaha oo wasiiradda, kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha wasaaradani soo saaran amaro iska soo horjeeda oo la xiriirta shaqada wasaarada.
Wasiir Roobow iyo kixigeenkiisa ayaa haatan isku haysta sidii loo kala qaadan lahaa Tiradda Xujeyda Soomaaliyeed ee Martida Eebbe noqonaysa sannadkan, iyadoo dhaqaale fara badan arrintaasi laga sameeyo.