Wasiirada arrimaha dibadda Mareykanka iyo Ruushka oo si lama filaana isu arkay

Mar. 03 (Jowhar.com)-Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka Antony Blinken iyo Wasiirka Arrimaha Debedda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa Khamiistii yeeshay wadahadal kooban, intii uu socday shirka Kooxda 20-ka dal, waana kulankii ugu sarreeyey ee ay yeeshaan labadan dal, muddo bilo ah.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in Blinken iyo Lavrov oo si gaara ugu kulmay shirka G-20 ee ka socda dalka Hindiya, inay wada-sheekaysteen muddo gaadhaysa illaa 10 daqiiqadood.

Masuul sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in Blinken uu kala hadlay Lavrov illaa saddex arrimood, oo ay ka mid yihiin, in Maraykanku uu taageerayo Ukraine, xilli kasta oo qaadato, si loo soo afjaro dagaalka, in Ruushku uu ka noqdo hakinta uu ku sameeyeen heshiiska iska war-haynta hubka nukliyeerka labada dal ee The New START, iyo in Ruushku uu sii daayo muwaadinka u dhashay Maraykanka ee Paul Whelan.

Masuulka Maraykanka ah oo aan ogolayn in magaciisa la shaaciyo ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahiyo falcelinta ka timi Lavrov, laakiin wuxuu sheegay in Blinken aanu arag wax isbedela oo ku yimi hab-dhaqanka Ruushka.

Ruushku wax faallo ah oo degdeg ah kama bixinin wadasheekaysiga dhex maray labada dal, hase ahaatee afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Ruushka ayaa sheegay in Blinken uu codsaday inuu la hadlo Lavrov.

Wuxuu ahaa kulankii ugu horreeyey ee ay labada masuul yeeshaan tan iyo xagaagii hore, xilligaas oo Blinken iyo Lavrov ay khadka telefoonka ku wada hadleen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More