Wasiirada Galmudug oo ansixiyay in deegaanada Baxdo iyo Wisil nqodaan dagmooyin buuxa.

July 10 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa gudoomiyay shirka golaha wasiirada ee maamulka, kaasoo maanta lagu qabtay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga waxaana intaas kadib Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib Uheshiisiinta Galmudug ay hor dhigay golaha wasiirada in cod loo qaado degmaynta degmooyinka Baxdo iyo Wisil.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday iyadoona madaxweynaha Galmudug uu cod u qaaday ansixinta degmooyinkan, waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyay golaha wasiirada, mana jirin cid ka aamustay, waxaana Baxdo iyo Wisil loo aqoonsaday degmooyin rasmi ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor gayn doonta golaha baarlamanka Gamudug, si ay waajibkooda uga gutaan, una sharciyeeyaan iyadoona ugu danbayn uu sixiixi doono madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More