Wasiirada Galmudug oo ansixiyay Sharciga Guddiga Doorashooyinka.

June 06 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug, iyadoona Wasaaradda Arimaha Guduaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa soo jeedisay laba hindise sharciyeed si golaha ay uga doodaan, una ansixiyaan.

Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed ee, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug, sida wasriirka arrimaha gudaha maamulkaas uu xusay.

Labada hindise sharciyeed ee ay Golaha Wasiirada xalay ansixiyeen ayaa kala ah:-

1 – Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowladda Galmudug.

2 – Shirciga ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Dowladda Galmudug.

Sharciyadaan ayaa si rasmi ah wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta u gudbin doontaa Golaha Baarlamaanka Galmudug si ay waajibkooda uga gutaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More