Wasiirka A Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Kuwait

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Kuwait.

Ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah. Kulanka intii uu socday ayaa looga hadlay xariirka labada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Axmed Nasser Al-Mohammed Al-Sabah. Labada dhinac ayaana ka wadda hadlay iskaashiga iyo xariirka labada, iyagoo dib u eegis ku sameeyay horumaraddii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay fagaarayaasha Gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More