Wasiirka Amniga oo shir guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shir gudoomiyay shirka todobaadlaha ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ka dhacay xarunta dhexe ee hay’addu ku leedahey Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Kuxigeenada, iyo Agaasime waaxeedyada Hey’adda. Shirka ayaa lagu soo bandhigey warbixinada shaqo ee todobaadkii la soo dhafaay iyo qorshayaasha todobaadka soo socda.

Shirka waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiiru dowlaha Amniga Gudaha Md, Farxaan Cali Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Md, Yuusuf Cali Maxamed.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa mahadcelin iyo bogaadin u soo jeediyay Madaxda iyo Saraakiisha HSJ shaqada adag ay qaranka u hayaan, isagoo xusay inuu xog ogaal u yahay duruufaha adag ay ku shaqeeyaan howlwadeenada Hey’addu.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa kula dardaarmay Agaasinka Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaya in la joogteeyo shaqada isla markaana muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeri.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More