Wasiirka Amniga oo uga digey ciidamada Booliska inay caburiyaan shacabka

Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay banaanbax lagu taageerayay Ra’iisul Wasare Rooble loogana soo horjeeday Madaxweynaha muddo xilleedkisu dhamaaday ee Farmaajo.

Banaanbaxan oo ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa dadkii dhigayay kal eryay ciidamo Boolis ah.

Cabdulaahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga ayaa sheegay inay soo gaartay cabasho ku saabsan banaanbax ay dad dhigayeen oo la hor istaagay.

“Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed, waxaana lagu samayn doonaa baaritaan sida ay wax u dhaceen, waxaana shacabka iyo mas’uuliyiintaas u xaqiijinayaa in aan marna la aqbali doonin in saraakiisha hay’adaha amniga ku kacaan falalka lagu soo eedeeyay.”ayuu yiri Wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur.

Ugu dambeyntii wasiirka Amniga ayaa ugu baaqay shacabka caasimada inay is dejiyaan ayna ilaaliyaan ammaanka caasimada isagoo xusay inaan la aqbali doonin rabshado.

“Waxaan sidoo kale shacabka ugu baaqayaa in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada mana la aqbali karo wax rabshada ah.”

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay inay banaanbaxan taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole iyo taliye ku xigeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed Kaniif, waxana uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur baaq u direy Ra’isalwasaare Rooble iyo Wasiirkiisa amniga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More