Wasiirka Arriimaha dibbada oo la kulmay Madaxweynaha Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka ah, Mudane Cabdul Saciid Muuse Cali oo ka qeyb-galaya Shir-madaxeedka Afrika iyo Yurub ayaa kulan muhiim ah Magaalada Brussels kula yeeshay madaxweynaha dalka Tansaaniya Samia Hassan .

Kulanka labada dhinac ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo diblomaasiyadda, iyo is dhaafsiga fikradaha ama arrimaha khuseeya Geeska Afrika.

Shirweymahaam oo ah kal-fadhiga lixaad ee shir-madaxeedka iskaashiga Afrika iyo Yurub,ayaa la filayaa in uu soo gabagaboobo manta,iyadoo si guud looha hadlaayo arrimo la xiriira xoojinta wada shaqeynta ee dhinacyadaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More