Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xariga ka jaray dhisme lagu kordhiyay safaarada Soomaaliya ee dalka Masar

Mar 11 (Jowhar.com)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse ayaa xariga ka jarayay dhismayaal lagu soo kordhiyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar.

Wasiirka oo maalmahaan ku sugnaa dalka Masar ayaa waxa uu ku ammaanay safiirka Soomaaliya ee dalka Masar dadaalkii uu ku lahaa dib u dhiska iyo dayactirka qeybo ka mid ah xarunta safaaradda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cabdi Siciid Muuse,waxaa kale oo uu ka qebgalay xaflad ka dhacday xarunta safaaradda oo loo sameeyay soo dhoweynta 200 arday oo waxbarasho ka helay dalkaasi,

Safiirka Soomaaliya ee masar, Ilyaas Sheekh Cumar ,ayaa sidoo kale ka hadlay xafladahaasi isugu jiray soo dhoweynta ardayda iyo xarig jaridda dhismayaasha cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More