Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Venezuela oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Venezuela Mudane Felix Plasencia, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray sidii ay Labada Dal u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dhiggiisa Venezuela la wadaagay fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sida ay uga go’an in ay Labada Dowladood yeeshaan xiriir qotadheer oo ku qotoma danaha Labada Shacab iyo Labada Qaran ee Soomaaliya iyo Venezuela.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More