Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadlayay wararka sheegaya inuu is-casilayo

Jully. 07 (Jowhar.com)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Huruuse ayaa ka hadlay wararka lagu baahiyay baraha bulshada ee sheegaya inuu is-casilayo.

Wasiirka oo qoraal ku daanacay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay iney been abuur tahay wararkaasi oo aaney jirin qorshe uu damacsan yahay oo uu shaqada isaga tagaayo.

Arrimi shaqo ayuu tilmaamay inuu dalka uga maqan yahay, dhowaanna si deg deg ah uu kusoo laaban doono.
“Isma casilin; Wararka sheegaya in aan is casilay waa been abuur lagu jahwareerinayo dadweynaha,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse).

Si kastaba, hadalka wqsiirka ayaa kusoo aaday saacado yar kadib markii xeer ilaalinta baahisay liiska 18 mas’uul oo dowladda ka tirsan oo xilal haya, waxaana loo heystaa eedo musuq.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More