Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa ka wada hadlay kor u qaadista iskaashiga labada dhinac iyo hormarinta xiriirka ka dhexeeya labada wadan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar Axmed Hafez ayaa sheegay in kulankan diirada lagu saaray iskaashiga labada dal.

“Wadahadallada waxaa diirada lagu saaray dadaalladii la soo maray ee ku aaddan horumarinta iskaashiga labada dhinac, taasoo ka turjumaysa xiriirka xooggan ee labada dhinac.”ayuu yiri afhayeenka.

“Masar waxa ay ahmiyad gaar ah siineysaa nabad iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhamaan dhinacyada Soomaalida in ay sii wadaan wada hadalka wadada loogu xaarayo si loo helo doorashooyin xor ah oo isku dhafan” ayuu sii raaciyay Hafez.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo waxaa kulanka uu la qaatay dhigiisa Masar ku wehlinaayay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Xasan Khaliif waxaana “looga wada hadlo xoojinta xiriirka labada dal iyo horumaradii ugu dambeeyay ee gobolka”.

Wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya dhankeeda kama aysan hadlin waxa diirada lagu saaray shir duceedka dhexmaray Soomaaliya iyo Masar oo xiriirkoodu xumaaday wixii ka dambeeyay sanadkii 2017, markii Soomaaliya ay sheegtay in ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka Khaliijka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More