Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo lagu weeraray magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaarya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay ka arrimiso mamaulka Puntland ayaa sheegeysa in halkaasi lagu weeraray Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali, xili uu ku guda jiray afurka.

Sida wararku sheegayaan, weeraraka waxa uu si gaar ah uga dhacay beer uu gobolka Mudug ku leeyahay Nabadoonka lagu magacaabo Yaasiin Cabdi Samad oo ahaa shaqsiga afurka u sameeyay wasiirka iyo qoyskkiisa.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in weerarkan uu sbabay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, walow wasiirka uu badbaaday hadana waxaa la sheegay inuu goobta ku geeriyooday mid kamida ilaalada wasiirka, halka Nabadoon Yaasiinna uu dhaawac soo gaaray.

Weerarka waxaa la sheegay iney geysteen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, inkastoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa, hadana waxaa la sheegayaa inuu salka ku hayo khilaafka dhinacyadan kala dhexeeya xukuumada madaxweyne Deni.

Si kastba, Nabadoon Yaasiin ayaa dhawaan usoo jeediyey madaxweyne Siciid Deni in uu wareejiyo xilka Madaxweyne-nimada Puntland, maadaama Federaalka isku sharaxay, iyadoo Deni uu haatan ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu ololihiisa ka wato.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More