Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wada hadal la yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Marwo Vicky Ford, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee Labad Dal.

Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Wadahadalka uu la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda  Soomaaliya CabdiSaciid Muuse Cai Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK) Vicky Ford ayaa ku soo beegantay xilli lagu wado in saacadaha soo socda uu baarlamaanka Inngiriiska ka doodo in dowlada Ingiriiska ay aqoonsato gooni u goosashada Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More