Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa kula kulmay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Turkiga ee dalka Soomaaliya, Mehmet Yilmaz.

Kulankan ayaa si qotodheer waxa ay labada mas’uul uga wadahadleen xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadidda heerka iskaashiga laba dhinaclaha ee dhinacyada dhaqaalaha, is-dhaafsiga ganacsiga, dhaqanka iyo dalxiiska, iyo sidii loo dhiirigelin lahaa maalgashiga iyo siyaabaha looga gudbi karo dhammaan caqabadaha soo wajaha arrinkan, iyo sidoo kale qaban-qaabinta booqashooyin ganacsatada labada dhinac ay is-weydaarsadaan.

Soomaaliya waxay Turkiga la leedahay xiriir adag oo soo jireen ah oo ku dhisan tiirar taariikhi ah oo faca weyn. Hase yeeshee dowlada Turkiga ayaa dhawaan xirxirtey muwaadiniin Soomaali ah oo ku nool dalka Tukriga kuwaasoo isugu jiray ganacsato iyo dad kale oo ku noolaa wadanka Turkiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More