Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen Mukhtaar oo magacaabay agaasimeyaal

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay agaasime waaxeedyo cusub oo ka howl-gali doono wasaarada arrimaha gudaha.

Wareegtada oo kuu taariikheysan 22-kii bishan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta loogu magacaabay Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, halka Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo arrimaha Bulshada loo magacaabay Muuse Abshir Cabdi .

Sidoo kale isla Digreetadan ayaa waxaa Agaasimaha Waaxda Xiriirka iyo Warfaafinta ee wasaaradda Arrimaha Gudaha loogu magacaabay Abshir Macalin Maxamed, halka isna Xanafi Cabdi Cale loo dhiibay xilka agaasimaha waaxda Hay’adaha aan dowliga aheyn (NGO).

HALKAN HOOSE KA AQRISO WAREEGTADA;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More