Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Ergeyga Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya
Jully. 02 (Jowhar.com)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi.
Ayaa maanta la kulmay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS Ambassador Maxamex El-Amine Souef, taliyaha ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding iyo Taliyaha Booliska ee ATMIS.
Kulankooda ayaa loogaga hadlay dadaallada nabad dhiska, xasillinta deegaannada dhawaan la xoreeyay iyo qaar kale, iyadoo kulanku uu ku soo dhammaaday is fahan ku aadan sidii loo xoojin lahaa howlaha hor tabinta leh ee labada dhinac ay ka wada shaqeynayaan.
Hase yeeshee kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada ATMIS ay bilaabeen deegaano ka tirsan dalka kuwaasoo lagu wareejiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.