Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay wafdi ka socday Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska.

August 30 (Jowhar.com)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mud. Ahmed Moallim Fiqi ayaa kulan la qaatay wafdi kasocday Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska (International Organization for Peace Building).

Wafdigaan uu hogaamiyey mud.  Axmed Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa Wasiirka lawadaagay shaqooyinka ay soo qabteen, guulihii ay ka gaareen iyo shaqooyinka hortabinta u leh oo ay doonayaan in Wasaaradda ay kala shaqeeyaan.

Wasiirka ayaa ugu mahadciliyey Hey’adda Caalimiga ee Nabad dhiska (International Organization for Peace Building) shaqooyinka ay kasoo qabteen Gobalada Dalka, isagoona carabka ku adkeeyay in ay Wasaaradda si dhaw ula shaqeyn doonta, iyadoona xooga lasaaraayo hal kudhiga Dowladda ee ah (Soomaali heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah), Wasiirka ayaa sidoo kale lawadaagay wafdigan Deegaanada qaar ee ubaahan xasilinta ee Kooxaha Argagixisada laga xureeyay.

Ugu dambeyn Wasiirka iyo Wafdiga ayaa isla gartay in lasii xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Hey’adda si horumar lataaban karo loogu gaaro qoryashaasha hortabinta u leh Wasaaradda oo ay ugu horeeyaan Xasilinta Deegaanada laga xureeya kooxaha Argagixisada iyo dhismayaasha Dowladaha hoose.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More