wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo loo wado Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye

Aug 21 (Jowhar.com)-Maanta ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo shalay ka furmay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Wararka laga helayo shirka Kulmiye ayaa sheegaya in la filayo in kulanka musharrax madaxweyne loogu dooran doono madaxweyneha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halka madaxwyne ku xigeenna loo dooran doono Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo iminka ah wasiirka ganacsiga.

Guddoomiyaha xisbiga ayaa loo wadaa Maxamed Kaahin Axmed oo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Shirkan xisbiga oo ah kii sideeddaad ayaa imaanaya xilli uu taaganyahay khilaaf la xiriira doorashooyinka Somaliland, oo xukuumadda iyo mucaaradku ku kala aragti duwanyihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More