Wasiirka Batroolka Soomaliya oo gaaray magaalada Beledweyne

Sep 01 (Jowhar.com)- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa galabta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed ayaa utagay Baladweyne si uu qeyb uga qaato isku dabaridka howl-galka lagula dagaalamayo Al shabaab ee ka socdo degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa si ay u kala war qaataan booqasho ugu tagay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas khaliif hoyga uu ka degenyahay Baladweyne.

Sidoo kale wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa usii gudbi doono degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee uu ka socdo diyaar garoowga dagaalka Alshabaab looga saarayo deegaanada ay kaga suganyihiin dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Waxaa lagu wadaa in magaalada Maxaas uu gaaro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More