Wasiirka cusub ee Amniga Cabdulaahi Maxamed nuur oo xilka la wareegay

Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa loo dhaariyey xilkaas cusub oo uu shalay u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, iyadoo uu dhaariyey Wasiirka Cadaalada, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.

Dhaarinta kadib, ayaa munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda amniga, waxa uu wasiirka cusub ee amniga si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiir ku-xigeenka amniga Farxaan Cali Axmed, kadib markii wasiirka amniga Xasan Xundubey uu diiday inuu xilka wareejiyo.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee amniga, Xundubeey ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in Wasaarada arrimaha Gudaha uu ka socda afduub lagu sheegayo xil wareejin, sida uu hadalka u dhigay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More