Wasiirka Difaaca Kenya oo ka dagay Kismaayo, lana kulmay Axmed Madoobe.

Dec. 25 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale oo booqasho iyo kormeer ugu yimid Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeybqaadanaya howlagalada dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa si qoto dheer u lafa guray sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgaladan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More