Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo markii u horeysay xog ka bixiyay weerarkii Jaale Siyaad

July. 29 (Jowhar.com)-Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda, iyadoo uu hortagay wasiirka gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Kulanka oo uu gudoominayo Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu horeyn waxa uu Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya uu baarlamaanka u akhriyay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay iney ku biirto ciidanka heeganka Bariga Afrika

Intaasi kadib, mudanayaasha ayaa su’aalo ku boobay wasiirka, iyadoo uu iska diiday inuu ka jawaabo su’aalo laga weydiiyay weerarkii todobaadkii hore ee kuliyada Jaale Siyaad oo lagu dilay inkabnadan 30 askari oo laga keenay Sh.hoose.

Wasiir Jaamac ayaa ka gaabsaday ka jawaabista su’aalahaasi, wuxuuna dalbaday in madalo kale oo gaar ah arrimahaasi lagu weydiiyo ama ay u yeeraan gudidga difaaca ee baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaasi kadib ku qasbay Wasiirka gaashandhiga inuu ka jawaabo su’aalaha uu markii hore iska indha tiray.

Wasiir Jaamac oo ka waramaya weerarkii Shabaab ay ku qarxiyeen ciidnakii feylka ku jiray ayaa yiri” arinta dhacdada jaale siyaad baaritaan ayaa socda saraakiil ayaa uxiran”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More