Wasiirka Gaashaandhigga Sweden oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0
43

Nov 07(Jowhar)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada.

Booqashadan ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka iskaashi ee dhanka difaaca iyo amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira horumarinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taageerada tababarrada iyo xasillinta guud ee dalka.

Wafdiga Wasiirka Sweden ayaa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga, si ay uga wada hadlaan qorshayaasha iskaashi ee labada dalKa.