Wasiirka Haweenka Marwo Khadiijo oo safar Shaqo oo Saddex Qeyb ah ku tagtey Kismaayo

Dec 10 (Jowhar.com)-  Wasaarada Haweenka, iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa safar shaqo oo saddex qeyb ah ku tagtay magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Wafdiga ay horkacaysay Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyadoo soo dhoweynteeda ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Jubbaland,siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashada Wasiir Khadiijo ee magaalada Kismaayo oo saddex qeyb ah ayaa waxaa kamid ah ka qeybgalka munaasabada maalinta xuquuqda aadanaha iyo kulan ay la yeelanayso Gudiga farsamadda ee haweenka iyo xuquuqda aadanaha golaha wada tashiga qaran NCC iyo Guddiga Hooyo Badbaadi Hal Qoys.

Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka qeybgashay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanadguurada 75aad ee Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha.

Munaasbadan ayaa waxaa ka hadlay afhayeenka salaadiinta Jubbaland Ugaas Cumar Xiirey,waxana uu ku tilmaamay Wasiirka Haweenka xukuumada Soomaaliya Marwo Khadiijo inay tahay xiddig u soo baxday shacabka Soomaaliyeed.

“Jubbaland hadaan nahay waxaan u naqaan Wasiir Khadiijo Naag ka roon,waana xiddigta Soomaaliya, waxayna leedahay karti la mid ah haweenkii halganka Soomaaliyeed ee xornimada dhaliyay.”ayuu yiri Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka hadashay Wasiirka Haweenka Jubbaland Marwo Cadar Cabdulaahi Ismaaciil oo sheegtay inay ku faraxsan tahay in Wasiirka Haweenka Xukuumada Soomaaliya ay munaasabadan kala soo qeybgasho.

Wasiirka Wasaarada Haweenka, iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo munaasabadan ka hadashay ayaa tilmaantay muhiimada ay xukuumada Dan Qaran ka leedahay sidii loo horumarin lahaa xuquuqda aadanaha,Waxayna xustay in Xukuumada Soomaaliye iyo Maamul Goboleedyada dalka ay ka go’an tahay in ay horumariyaan xuquuqda aadanaha.

“Horumar weyn ayay soomaaliya ka gaartay xuquuqda aadanaha waxaana aan gaar ahaan xukuumada Dan Qaran, shaqo aan naqaan ayaan qabanay waxayna ahayd qabyadii uu dhamaystiryay qeyb ka mid ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Barnaamijka Ra’iisul Wasaaraheena Xamsa Cabdi Barre.”

Ugu dambeyntii waxaa munaasabadan ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Suldaan Cabdqaadir Xaaji Maxamuud waxana uu ugaga mahadceliyay Wasiirka Haweenka Xukuumada Federalka booqashada ay ku timid Jubbaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More