Wasiirka Maaliadda Puntland oo sheegay in Puntland ay ka go’i karto Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in qodob Dastuuriya uu Puntland xaq u siinayo in ay ka go’do Soomaaliya, haddii la waayo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Abgaal oo ka hadlayay kulanka dhacay duleedka Garoowe, ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo Federaal ku dhisan islamarkaana ilaalisa wixii lagu heshiiyay.

“Haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay markaa Puntland waxaa u furan inay ka go’odo dalka intiisa kale.”ayuu yiri Wasiir Abgaal.

Maamulka Puntland iyo dowlada federalka ayaa xiriirkooda gaaray meel aad u xun iyadoo Madaxweynaha Puntlnad Saciid Deni uu diidan yahay inuu ka qeybgalo shirka maamul goboleedyada iyo dowlada federalka isagoo ku xirey shuruudo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More