Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo shir looga hadlayo deyn cafinta uga qeyb galayo Mareykanka

April 16 (Jowhar.com)-Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka, halkaas oo lagu qabanayo shirka xiliga gu,ga (Spring Meetings) ee marti geliyaan Hey’adda IMF iyo Banging Adduunka.

Shirkaan oo soco doono muddo toddobaad ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimha mudnaanta u leh Deyn Cafinta, hannaanka Maaliyadda iyo dib eegista dhaqaalaha Adduunka.

Ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kukankan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawimaadda IMF iyo helidda maalgalin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kadib. Shirkaan lixdii biloodba mar la qabto ayaa waxa ka qeybgalaya sidoo kale madax kale duwan oo ka miyihiin, Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Madaxda Bangiga Adduunka, Wasiirada Maaliyadda Dalalka geeska Afrika iyo xubno sare oo kala tirsan Hey’addaha Maaliyadda caalamiga ah ee Soomaaliya taageera.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa bishii December 13 waxa laga cafiyay deymihii lagu lahaa, iyadoo hadda dib-u-habeynta Maaliyadda xoogga lagu saaro barnaamijka Deyn Cafinta kaddib ee loo yaqaan HIPC iyo ECF oo IMF iyo Bangiga Adduunka Dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqaynayaan oo muhiim ah deyn cafinta kaddib.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More