Wasiirka Maaliyadda Dr Cilmi oo kala hadlay Safiirka Ingiriiska arrimaha deyn Cafinta

July. 04 (Jowhar.com)-Wasiirka maaliyadda xukuumadda FS mudane Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya danjire Mike Nithavrianakis.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda boqortooyada Ingiriiska ayaa looga hadlay dhamaystirka geedi socodka deyn cafinta oo Soomaaliya ay soo waday 7-dii sano ee ugu dambeeyey, kaas oo haatan maraya heer gabangabo ah.

“Waxa aan ka wada hadalnay arrimo ay ka mid yihiin dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo hada meel wanaagsan innoo maraya, dowladda Uk waxa ay ka mid tahay Saaxibada ugu horeeya ee taageeraada la garab taagan Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Dr Cilmi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More