Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo uga qeybgalay London shirka Maalgashiga ee Soomaaliya

Nov 20 (Jowhar.com)-Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaaalda London ee dalka Ingiriiska, ayaa Guddoomiyay shirka Maalgashiga ah ee Soomaaliya ee Maalgashishada Ingiriiska.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo shirka furay ayaa u sheegay ganacsatada iyo Maalgashigada UK in Soomaaliya diyaar u tahay maalshagi caalami ah oo ah dhinacyada, Beeraha, Kallluunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo ka hadlay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha gudaha dalka. Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay sida ay muhiim iyi fursad ah qaali ugu tahay ganacsatada iyo Maalgashigada reer UK in ay Soomaaliya maalgashadaan kaddib hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gabagabo ku dhaw.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan London kaasi oo ka qeybgalaya shirka Caalamiga ah ee cuntada Adduunka. Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale kulamo gaar la qaadan dhiggiisa dalka UK iyo Hey’addaha kale ee Maaliyadda dalkaasi inta uu shir socdo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More