Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed oo loo diiday in ilaaladiisa ay galaan magaalada Garowe

Wasiirka Qorsheynta dowlada federalka Jamaal Maxamed Xasan oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay booqasho ku joogay deegaano ka tirsan Puntland ayaa kolonyadii galbineysay ayaa goordhow ay gudaha u galeen magaalada Garowe, kaddib markii laga reebay Ilaaladii la socotay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirka Qorsheynta Jamaal iyo dadkii la socday muddo saacad ku dhow ay ku xanibnaayeen duleedka magaalada Garowe.

Hase yeeshee mudadii ay ku xayirnaayeen duleedka magaalada ayaa maamulka Puntland soo saaray qoraal uu ugaga mamnuucayo inaysan isticmaali karin Gaadiid ciidan iyo ilaalo musharaxiinta golaha shacabka. Gaadiidka ciidanka iyo ilaalada ayaa sidoo kale laga mamcuunay mas’uuliyiinta ururada siyaaasadda Puntland.

Wasaaradda Amniga Puntland oo amarkan soo saartay waxay sheegtay in ciddii sababo gaar ah uga maarmi wayda ilaalo la soo xiriirto Taliyaha Booliska Puntland.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay maamulka Puntland;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More