Wasiirka Qorsheynta oo gaaray magaalada Garowe kadib ishortaag lagu sameeyay dad soo dhoweynayay

Wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garawe waxaana uu safar lugta ah ugu sii ambabaxay magaalada Dhahar.

Hase yeeshee kahor inta uusan gaarin wasiirka magaalada Garowe ayaa ciidamo ka tirsan kuwa amaanka maamulka Puntland waxa ay is hor istaag ku sameeyeen shacab, gaadiid iyo ciidan doonayay in ay garoonka diyaaradaha magaaladda Garawe ku soo dhaweeyaan wasiirka qorshaynta xukumadda Faderaalka.

Balse, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsan in xiisad ka dhalatay imaatinka Wasiir Jamaal.

Wasiir Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa isu-diyaarinaya olole ku uu ku doonayo inuu mar kale ku laabto kursiga Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More