Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo si kulul ugu jawaabay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka UK

Wasiirka Qorshaynta ee dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si adag uga jawaabay qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka barlamaanka UK horgeeyay mooshinka looga doodayay aqoonsiga Soomalaland.

Wasiir Jamaal ayaa qoraalkiisa ku sheegay in xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka UK uu yahay jaahil aan aqoon badan u lahayn arrimaha gudaha dalka Soomaaliya.

“Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan.”ayuu yiri wasiir Jamaal.

Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland.

Hase yeeshee Baarlamaanka UK ayaa isku raacay in arrinta aqoonsiga Somaliland ay u taal heshiis ay la gaarto dowlada Soomaaliya. Si kasta ha ahaatee wadahadaladii u dhexeeyay dowlada federalka soomaaliya iyo maamulka la magac baxay Somaliland ayaa istaagay kadib markii kulamo dhowr ah ay isku soo horfariisteen labada dhinac.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More