Wasiirka Warfaafinta Dubbe oo ku booqday gurigeeda fanaanada Binti Cumar Gacal

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Senator Osman Abukar Dubbe oo ay weheliyaan Xildhibaano, agaasimayaal iyo fanaaniin ayaa waxa ay gurigeeda ku booqdeen fannanaddii weyneyd ee Binti Cumar Gacal oo kamid ah fannaaniinta qaranka.

Wasiirka warfaafinta Dubbe oo Taariikhda fanaanada waxyar ka taabtay ayaa yidhi, “Binti Cumar Gacal waxay kamid ahayd xiddigihii loogu jeclaa uguna codka macaanaa Hobolada Waaberi, waxay caan ku ahayd heestii Anigoo Beled-Xaawo jooga, iyo heestii kale ee Haddaad moodday aakhiro Inay ehelo leedahay, iyo Hadduu Reer Gebegeboobo, Gurboodkiisuna xumaado, waxaa gabay aabahoode, iyo qaar kale oo ciiddaa ka badan. Waxa kale oo ay ahayd xiddigaddii ka dhex muuqatay filinkii caan baxay ee Cilmi iyo Caado.” ayuu yiri Senator Dubbe.

Binti Cumar Gacal oo ka mid ah fanaaniinta fara ku tiriska ah ee aan dalka ka bixin mudadii dagaalada sokeeye ka dhaceen ayaa waxaa naafo ka dhigtay rasaas lugaha kaga dhacday.
Wasiirka Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Senator Osman Dubbe ayaa u ballan qaaday Inuu u qaadi doono dhakhtar Dalka dibadiisa ah, sidoo kalena uu u raadin doono wixii xuquuq ah ee ka maqan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More