Wasiirka waxbarashada oo ku guuleystay Doorashada kursigii u horeeyay ee Ceelwaaaq.

April 22 (Jowhar.com) -Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaa lagu qabtay doorashada kursiga Hop#119, iyadoo uu ku guuleystay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Abukar Xaaji (Carab) oo qy saaxiibo dhaw yihiin ra’iisul wasaare Rooble.

Guusha wasiir Carab ayaa timid kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tarrami lahaa Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim, iyadoo ergada ay u wada codeeyeen wasiir C/llaahi Abuukar Xaaji.

Ceelwaaa oo ay ku sugan yihiin Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf, kuxigeenkiisa Mowliid Mataan & Masuuliyiin katirsan dowlad Goboleedka Jubbland ayaa haatan ka sii socota doorashada, qorshaha waxa uu yahay in maanta la soo gabagabeeyay doorashada 11 kursi oo kamid ah 16-ka kursi ee taala gobolka Gedo.

Si kastaba, doorashadan ayaa ku soo aadeysa xili magaalada Garbahaareey ay ku sugan yihiin xubno kamid ah gudiga doorashada heer federaal iyo midka xalinta khilaafaadka oo iyaguna dhankooda diyaarinaya doorasho ka soo horjeeda mida Jubaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More