Wasiirkii Arrimaha Dibbada Libya oo shaqo joojin lagu sameeyay

Aug 28 (Jowhar.com)-Hoggaamiyaha dowladda Libya ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiirkiisa arrimaha dibedda Najla al-Mangoush kadib markii dhiggeeda Israel uu ku dhowaaqay inay wada-hadallo ku yeesheen magaalo madaxda dalka Talyaaniga ee Rome.

Ra’iisul wasaare Abdulhamid Dbeibah, oo qoraal rasmi ah soo dhigay Facebook ayaa ku sheegay in si kumeel gaar ah shaqo joojin loogu sameeyay al-Mangoush waxaana baaritaan ku sameynaya wasiirka caddaalada.

Hase yeeshee,Wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa ku macneysay kulanka ay wasiirada arrimaha dibbada la yeelatay dhiggeeda Israil inuu ahaa mid aan rasmi ahayn.

Wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa ku eedeysay Israel inay isku dayeyso “inay dhacdadan u ekeysiiso sida kulan ama wada-hadallo rasmi ah. Warka ku saabsan kulanka ayaa dhaliyay dibad-baxyo ka dhacay waddooyinka dhowr magaalo oo ka tirsan Libya.

Dalka Waqooyiga Afrika ku yaalla ma aqoonsana Israa’iil, sidoo kalena xiriir diblomaasiyadeed lama laha Tel Aviv. Sida uu dhigayo sharciga Liibiya 1957, la macaamilka Israa’iil waxa uu qofka Libyanka ku muteysan karaa ilaa sagaal sano oo xarig ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More