Wasiiro iyo Agaasimayaal ka tirsan Puntland oo la amray in la soo xiro.

May 21 (Jowhar.com)-Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe ayaa saaka mar kale u fariisatay dhegaysiga dacwadda ku saabsan dhoofinta dhirta loo yaqaan geed-quwaaxa.

Laba Wasiir, Laba Agaasime iyo saddex qof oo shacab ah ayaa maxkamadda derejada koowaad ee magaalada Garoowe ay maanta u jartay waaran soo xiris ah; kuwaas oo loo haysto eed ah; dhoofinta dhirta geed-qawaaxa ah ee deegaannada Puntland.

Labada Wasiir oo aan la magacaabin waxa la sheegey in xasaanadda laga qaadi doona kolkaasna maxkamadda la hor keeni doono.

Wararka la helayo ayaa intaasi ku sii daraya in Mas’uuliyiin hore sidoo kale iyana ku jiraan dadka loo haysto dhoofinta dhirta.

Arrimahan ayaa ka danbeysay kadib markii ay soo dhamaatay Dhegaysiga dacwadda iyadoo maxkamadda la hor-keenay nin ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa kaas oo u xiran maamulka Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More