Wasiiro ka socday Puntland oo wadahadal gaar ah la yeeshay madaxda safaarada Denmark ee Soomaaliya

Aug 29 (Jowhar.com)-Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada maamulka Puntland ayaa kulan gaar ah la qaatay madax ka tirsan safaarada Dernmark ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ka socotay Puntland oo kala ah Wasiirka Qorsheynta Maxamed Siciid Faroole, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cabdiraxman Dhabancad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur ayaa si gaar ah wadahadalka ula yeeshay xubno uu hoggaaminayay Madaxa Arrimaha Mashaariicda iyo Siyaasadda ee Safaarada Denmark Jens-peter kamanga dyrbak.

Kulanka ayaa inta uu socday loogaga hadlay Hanaanka Dowladda Dhiska Soomaaliya, Mashaariicda hortebinta u leh Puntland iyo Sidii gargaar Bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa dadka Gobolka Sool.

Wasiiradan ka socday maamulma Puntland ayaa ku amaanay dowladda Denmarka dadaalada horumarineed ee ka wado dalka, iyagoo dhankooda a warbixin kasiiyay xaalada guud ee deenada Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More