Weerar culus oo lagu qaaday saldhigga Ciidanka Puntland ee Af-urur

Mar 27 (Jowhar.com) – Dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa aroortii hore ee saaka weerar culus ku qaadaysaldhigg ay Ciidammada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin Deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari.

Sida wararku sheegayaan, Shabaab ayaa marka hore tiro madaafiic ah ku garaacday saldhigga, iyadoo ay xigtay dagaal toos ah oo la isu adeegsaday hub culus iyo mid fudud, iyadoo la soo sheegayo inuu weerarkan ka dhashay khasaare u badan dhinacyada dagaalamayay.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegay iney arkayeen Qiiq iyo Holac gudaha xerada ah, iyadoo kooxda Shabaab oo weerarka sheegatay ay tilmaamtay in xerada ay la wareegeen oo ay iyagu dab qabadsiiyeen.

 

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku aadan weerarka lagu qaaday saldhigga Af-Urur, Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan horey u weerartay saldhigga Ciidammada Daraawiishta ee Af-Urur, weeraradaas oo geystay khasaarayaal kala duwan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More