Weerar culus oo lagu qaaday Saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Ciraaq

Oct 20 (Jowhar.com)- Gantaalo iyo diyaaradaha uusan la socon duuliyaha ee Drones ayaa duqeeyay saldhigyo ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Iraq, sida laga soo xigtay illo amni oo la hadlay wakaalada Wararka Reuters.

Dhowr qarax ayaa laga maqlay gudaha saldhiga ciidamada cirka Mareykanka ee Cayn Al-Asad. Weli lama sheegin khasaaraha qaraxyadaas.

Laakiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa ciraaq ayaa baaritaano ka wada halkaas.

Duqeyntaas ayaa timid kadib markii kooxaha Iran taageera ay ku hanjabeen toddobaadkan inay weerarayaan saldhigyada Mareykanka oo ay ku eedeeyeen in uu taageeray Israel.

Shalay ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay la kulmeen tiro weeraro ay fulinayaan diyaaradaha droneska, weeraradaas ayaa kordhayay ilaa talaadadii.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More