Weerar culus oo lagu qaaday saldhigyada Somaliland ee Goojacade iyo Agoomaha

Mar. 26 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gqaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood, kaasoo u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC.

Wararka la helayo ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu xoogiisa ka socdo taliska Goojacade ee ciidamada Somaliland oo dhaca waqooyiga magaalada iyo Agoomaha oo ku beegan Galbeedka Laascaanood.

Daryanka hubka culus ee ay isu adeegsanayaan dhinacyada ayaa laga maqlayaa guud ahaan magaalada, waxaana jira khasaare culus uu dhaliyay dagaalkan, walow aan la ogaan tirada rasmiga ah ee gaarsiisan yahay, maadaama wali rasaasta socoto

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa tan iyo intii ay curatay bisha Ramadaan eheyd mid dagan, majirin wax dagaalo ah, walow ay labada dhinac hub uruursi iyo dhaq dhaqaaqyo daan daansi ah ay wadeen.

Si kastaba, Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xili Odayaal dhaqan oo shalay Garowe gaaray la filayo in ay maanta u safraan Laascaanood halkaasi oo ay waan-waan ka dhex wadeen SSC iyo Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More