Weerar Duqeyn ah oo lala beegsaday garoonka diyaaradaha Sacuudiga ee Jazan

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen weerarro lagu qaaday garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Jazan oo u dhow xadka Yemen ee Sacuudi Carabiya.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga (SPA) ayaa sheegtay in weeraradii fiidnimadii Jimcaha lala beegsaday Garoonka King Abdullah.

Isagoo soo xiganaya afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo, SPA ayaa sheegtay in madaafiicdii ugu horreysay laga soo riday diyaarad aan duuliye lahayn, taasoo burburisay daaqadaha wajiga garoonka taasoo sababtay in dad ku dhaawacmaan.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo kale oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa hawada loogaga hortagay waaberigii Sabtidii, isbahaysiga ayaa intaas ku daray, iyada oo aan faahfaahin laga bixin wax dhaawac ah ama waxyeello ah.

Lix qof oo Sacuudiyaan ah, saddex u dhalatay Bangladesh iyo hal Suudaan ayaa ka mid ahaa dadka ku dhaawacmay weerarka koowaad, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ugu yaraan shan ka mid ah dhibbanayaasha waxay soo gaareen dhaawacyo fudud oo keliya, halka shanta qof oo kale xaaladdooda aan si degdeg ah loo ogeyn.

Ma jirto cid si toos ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakiin dhowr weerar oo ka dhan ah bartilmaameedyada Sacuudiga ayaa dhawaan lagu eedeeyay xoogagga Xuutiyiinta Yemen.
Xuutiyiinta ayaa la dagaallamaya isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaaminayo, kuwaas oo isku dayaya inay dib u soo celiyaan dowladda meesha ka baxday.

Arbacadii, afar shaqaale ah ayaa sidoo kale la dhaawacay diyaarad waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday gegida diyaaradaha ee Abha.

Bishii Ogosto 31 -keedii, diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa ku dhacday isla gegida dayuuradaha, halkaas oo ay ku dhaawacday siddeed qof ayn waxyeelaysay diyaarad rayid ah.

Sacuudi Carabiya ayaa soo faragelisay dagaalka Yemen iyaga oo wakiil ka ah dowladda caalamku aqoonsan yahay 2015 -kii.

Xuutiyiinta isbahaysiga la ah Iiraan ayaa marar badan bartilmaameedsaday boqortooyada weerarro ka dhacay xadka.

Bishii Ogosto, jabhaduhu waxay kordhiyeen hawlgaladaas, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More