Weerar loo adeegsaday Baabuur iyo Mindi oo lagu dhaawacay 7 ruux magaalada Tel Aviv

July. 04 (Jowhar.com)-Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhaawacantay weerar loo adeegsaday baabuur iyo mindi oo ka dhacay magaalada Tel Aviv, sida laga soo xigtay booliiska Israa’iil, maalintii labaad ee weerarrada milatari ee Israa’iil ay ka wado magaalada Jenin, oo ku taal Daanta Galbeed ee Falastiin.

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in baabuur ku weeraray tiro dad rayid ah oo marayay waddo ku taal waqooyiga Tel Aviv,waxayna wararka sheegayaan in la toogtay qofkii weerarka ka dambeeyay.

“Waxay u muuqataa in tuhmanuhu uu watay baabuur wuxuu jiiray ama dardarsiiyay dad lugeynayay oo taagnaa xarun ganacsiga, wuxuuna ka degay gaariga si uu u tooriyeeyo dadka rayidka ah shay fiiqan,” ayuu yiri booliisku, isagoo raaciyay in saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay ku jireen xaalad halis ah.

Xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo kuwa gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa ka shaqaynaya goobta la sheegay in baabuur lagu jiirsiiyay magaalada Tel Aviv

Kooxda Falastiiniyiinta Xamaas ee maamula marinka Gaza ee la go’doomiyay, ayaa ku tilmaamay weerarka mid bilow u ah jawaabta laga bixinayo weerarka ciidamada Isra’il ay ku qaadeen Jinin.

Bayaan ay Xamaas soo saartay ayay ku sheegtay in weerarka uu fuliyay Xuseen Khalaylah, oo ay ku sheegeen inuu ka mid yahay xubnahooda.

Israa’iil ayaa subaxnimadii Isniinta weerar dhulka iyo cirka ah ku qaadday xerada qaxootiga ee Jenin, halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan 11 ruux, tobanaan kalena way ku dhaawacmeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More