Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday deegaanka Qaayib ee Galgaduud

Nov. 07 (Jowhar.com) -Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo saaka salaadii subax kadib dabley hubeysan oo Shabaab ah ay ku qaadeen deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaasoo uu ka dhacay dagaal culus.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in weerarka oo ku bilowday laba qarax oo Ismiidaamin ah uu ku xigay dagaal fool ka fool ah, iyadoo la isu adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn xiligam xadiga khasaaraha kala gaaray labada dhinac ayaa hadana dad goob joogayaal ah waxa ay sheegayaan in kooxda Shabaab laga difaacay deegaanka, iyadoo qorshohooda uu ahaa sidii ay cagta u marin lahaayeen ciidanka halkaasi ku sugan.

Qaayib ayaa kamid ah deegaanada ka tirsan Galmudug ee dhawaan laga qabsaday kooxda Al-Shabaab, iyadoo kooxda ay sidan oo kale hore u soo qaaday weerar dib looga riixay magaalada.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More