Weeraro argagaxiso ah oo laga digey in lagu qaado garoonka diyaaradaha Kabul

Qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka ayaa sheegaya in ay jirto khatar aad u sareyso oo ah in weerarro argagixiso ay ka dhacaan garoonka diyaaradaha ee Kabul, waxayna muwaadiniintooda uga digeen in ay halkaas u safraan.

Australia, Mareykanka iyo UK ayaa soo saaray digniin ku socota muwaadiniintooda, waxayna kuwa aan weli soo gaarin gegida dayuuradaha ee ku sugan gudaha Afghanistan, lagula talinayaa in ay si degdeg ah uga baxaan aaggaasi.

In ka badan 82,000 ayaa diyaarad loogaga soo qaaday Kabul, oo gacanta u gashay ururka Taaliban, 10 maalmood ka hor.

Wadamada waxay ku degdegayaan in ay dadka ka daadgureeyaan ka hor 31 bishan August, oo ah xilliga kama dambeysta ah ee ay ku egtahay daad-gureynta.
Kumanaan ruu ayaa ku sugan gudaha iyo dibadda garoonka diyaaradaha, iyagoo rajeynaya in ay mar uun ka duulaan dalka Afghanistan.

Taalibaan ayaa diiday in la kordhiyo muddadaasi balse waxay sidoo kale ballanqaadeen in ay u oggolaan doonaan ajaanibta iyo dadka reer Afghanistan, inay dalka ka baxaan wixii ka dambeeya wakhtiga kama dambeysta ah, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken.

“Waxaa jirta halis joogto ah oo aad u sarreysa oo ah in weerar argagixiso uu ka dhaca garoonka diyaaradaha ee Kaabuul.”ayay tiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Australia, Marise Payne.

Hadalka wasiirka ayaa imaaneyo saacado ka dib markii Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ay u sheegtay in dadka ku sugan irridaha laga soo galo garoonka, sida albaabka Albe, ay si dhaqso ah uga baxaan.

CIA -da iyo militariga Mareykanka ayaa waday hawlgallo qarsoodi ah oo ay ku soo saarayaan dadka Mareykanka iyagoo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamada dhulka, sida saraakiil Mareykan ah iyo saraakiil kale ay u sheegeen wargeyska Wall Street Journal.

Pentagon -ka ayaa sheegay in 10,000 oo qof ay weli sugayaan in diyaaradaha Mareykanka lagaga daadgureeyo garoonka diyaaradaha Kabul. Waxaa jiro cabsi ah in kumannaan kale oo reer Afghanistan ​​ah oo aad u doonaya inay ka baxaan dalka balse aan gaari karin goobta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More