Weeraro Bambaanooyin loo adeegsaday oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo Boosaaso

Weeraro loo adeegsaday bambka gacanta laga tuuro ayaa caawa waxa ay ka dhaceen magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Salaada Cisho kadib ayaa bam lagu weeraray bar koontarool oo ku taal isgoyska Xararyaale ee degmada Warta Nabadda.

Hal ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxan halka labo kalana ay ku dhaawacmeen weerarka loo adeegsaday bamka ee ka dhacay isgoyska Xararyaale.

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in labo qarax ay caawa ka dhaceen magaalada Boosaaso oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamo taabacsan Madaxweyne Deni iyo Ciidamada PSFta.

Labada weerar oo waqti badan aysan u dhaxeyn ayaa waxaa ku dhaawacmay hal ruux iyadoo mid kamid ah bamkana lala beegsaday bar koontarool halka qaraxa kalana uu ka dhacay goob ganacsi.
Ma jiro cid sheegatay qaraxyada bambaanooyinka loo adeegsaday ee caawa ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More